WAA TALLAABO XADGUDUB SHARCI AH LA BIXIDDA MAGACA DALJIR EE TELEFISHINKA QARANKA ‘SNTV’.

WAA TALLAABO XADGUDUB SHARCI AH LA BIXIDDA MAGACA DALJIR EE TELEFISHINKA QARANKA ‘SNTV’.

Kannaalka cusub ee ka tirsan telefishinka Soomaaliya ee (SNTV) ee uu maanta xarig jaray madaxweynaha dawladda federaalka Xasan Sh Maxamuud, waxaa loo cumaamaday magac ay leedahay warbaahinta gudaha Soomaaliya ugu weyn, lehna FM-yada ugu badan ee hawada Soomaaliya ku baaha, taasoo ah warbaahinta Daljir oo ku soo bilaabatay magaca Radio Daljir sannaddii 2003-dii.

Warbaahinta Daljir Soomaaliya iyo magaceeduba waa kuwo diiwaangashan, una diiwaangashan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya iyo wasaaradaha kale dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka, la aqoonsanyahay, sharci ah, misna canshuur bixiye ah.

Sidaas darteed, waxaan Daljir ahaan u aragnaa tallaabadaasi la bixidda magaca Daljir ee Channel-ka Telefishinka Qaranka ee SNTV mid xadgudub sharci ah oo aan laga baaraandegin.

Waxaan qoraal rasmi ah u gudbinnay hay’adaha dawladeed ee ay qusayso arrintaan ee labada heer dawladeed, annagoo dhanka kalana qabsanay qareen sharci.

Taas baddelkeeda waa soodhaweynaynaa is ballaarin kasta oo Telefishinka Qaranku uu sameeyo oo aan cidna xadgudub ku ahayn, waana hormar.

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com