Waa Sidee Xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo?

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maalmihii dhowaa waxa uu ku xanuunsanayay isbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo dhowaan uu aaday.

Warbaahinta Somaliland waxay baahiyeen xaalada caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo in ay tahay mid aad u liidato, inkastoo xubno ka tirsan maamulka Somaliland ay beeniyeen wararkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee maamulka Somaliland Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay xaalada caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo in ay tahay mid aad u wanaagsan, uuna qabo caafimaad taam ah.

Wuxuu been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in xaalada caafimaad ee Siilaanyo ay aad u liidato, wuxuuna sheegay dadkaasi in ay yihiin kuwo ka soo horjeeda hormarka degaanada Somaliland.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Waa Sidee Xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo?”

  1. Xaawo xusen

    Wax fiican maaha in qof muslim ah dhib laga sheegay lagu farxo waayo waa dhib muslim ku farax bay kadhigatahay wax kasta oo somali dhaxtagan madaxwaynahaas waxan leenahay allaha caafiyo

U Jawaab Xaawo xusen Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com