Waa Sidee Xaaladda Bossaso Kaddib Qarixii Xalay?

Waa Sidee Xaaladda Bossaso Kaddib Qarixii Xalay?

Xaaladda ammaan ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa saaka deggan kaddib markii uu xalay ka dhacay qarax ay dhowr ruux ku dhinteen kuwa kalena ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyey nin isa soo miineeyey oo beegsaday bar kantarool ah oo ciidanka ammaanka gobolka Bari gaadiidka dadweynaha ku baarayeen.

Xaaladda ayaa saaka ah mid ku socota sidii caadiga ahayd waxaana jira dhaqdhaqaaqyo ay wadaan ciidanka ammaanka dowladda Puntland.

Qaraxa ka dhacay Boosaaso ayaa ku soo aadaya xilli maalmo kooban ay inaga xigaan bilashada bisha Barakaysan ee Ramadaan, oo curanaysa bilowga todobaadka foodda nagu soo haya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 4
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com