Waa sidee xaalada deegaanka Bariire oo ay la wareegeen ciidamada Danab ? (Sawiro)

Waa sidee xaalada deegaanka Bariire oo ay la wareegeen ciidamada Danab ? (Sawiro)

Ciidanka Danab Ee Kummaandoosta Soomaaliya ayaa Xaqiijiyey Amniga Deegaanka Bariire oo ka tirsan degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelada hoose, halkaas oo laga eryey kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab, kadib howlgalo Qorsheysan oo Ciidanka deegaankaasi ay ka sameeyeen.

Ciidanka gaarka ah ee Danab oo watay Gaadiidka dagaalka, ayaa shalay dhowr jiho kasoo galay Deegaanka Bariire oo Argagixisada Alshabaab ay u aheyd Saldhig muhiim ah oo Istiraatiijiyad u leh.

Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa Maleeshiyada Alshabaab ee baxsadka ah waxay ka soo abaabuli jireen Weerarada iyo Qaraxyada ay ku xasuuqaan dadka Shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Howlgalkaan oo uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab Gaashaanle C/raxmaan Shiikh Cumar ayaa markii Ciidanka ay gudaha u galeen deegaanka Bariire waxay ay burburiyeen goob Argagixisada Alshabaab ay dadka Shacabka ah uga qaadi jireen Lacago baad ah, arrintaasi oo ay aad ugu farxeen dadka deegaanka.

Sawiro.


FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com