Waa sidee dareenka qowmiyadda Oromada ee Bossaso kaddib rabshadihii Itoobiya ku dhexmaray Soomaalida iyo Oromada?

Maamulka gobolka Bari ayaa dhowaan kulan uu la yeeshay bulshada magaalada Bossaso ee ka soojeedda kililka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya waxaa uu ku amray in la ilaaliyo xuquuda muhaajiriinta ka soojeedda qowmiyadda Oromada oo aan loo beegsan rabshadaha ka jira dalka Itoobiya, lana ilaaliyo ammaanka magaalada Bosaso.

Maamulka gobolka Bari ayaan dhawaan shaqo siiyey, mushaarna u qoray mid kamid ah Oromada Bossaso oo dhowaan dad caraysan ay jirdil ugu gaysteen magaalada Bossaso.

Hadaba tan iyo markii ay biloowdeen rabshadaha dalka Itoobiya ee Oromada iyo Soomaalida ayaa waxaa isa soo tarayey saamayntooda dadka Oromada ee ku nool Bossaso, kuwaas oo shaqooyin kaladuwan ku haysta magaalada, kuwana ay ku dhexjiraan tahriib.
Oromada ayaa sheegay in ay wax dareen ah ka qabin dhanka ammaanka, iyaga oona sheegay in ay ku qanacsanyihin nolosha ay ku haystaan magaalada Bossaso.
Wariye Maxamud Cabdi Ibrahim ayaa booqday, waraysina la yeeshay.
Hoos ka dhegayso.

 


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

2 responses to “Waa sidee dareenka qowmiyadda Oromada ee Bossaso kaddib rabshadihii Itoobiya ku dhexmaray Soomaalida iyo Oromada?”

  1. http://topmaidservices.my-free.website

    It’s wonderful that you are getting ideas from this post as
    well as from our dialogue masde at this place. http://topmaidservices.my-free.website

  2. https://Thenationalpulse.com/commentary/trump-education-budget-good-news-parents/

    What’s up colleagues, nice post and nice arguments commented at this place, I am
    genuinely enjoying by these. https://Thenationalpulse.com/commentary/trump-education-budget-good-news-parents/

U Jawaab https://Thenationalpulse.com/commentary/trump-education-budget-good-news-parents/ Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com