HomeUncategorized

“Waa muhiim in bulshadeenu fahmaan in garoomadu yihiin muraayadii dalka, ka qayb qaataan dayactirka garoomada Puntland” Wasiirka Duulista & Garoomada.

Caption ...

Madaxweyne Gaas oo Maanta kormeeray xarunta wasaaradda Maaliyadda ee Bosaaso
DHEGEYSO-Gudiga dibudhiska Cusbitalka Galkacyo oo ka warbixiyey xaga wax u marayaan.
Baahin: Axad, Feb 05, Jaamac Cabdiraxmaan ~ Daljir ~ Galkacyo. R/wasaare Gaas oo ka qayb galay shir kooxda xirriirka caalamiga ah ee arrimaha Somaliya uga furmay Jibuuti; Arday reer Somaliland ah oo ku sugan Muqdisho oo cambaareeyey wasaarada waxbarashada Somaliya; Golaha deegaanka Buurtinle oo xilka ka qaaday guddoonka golaha.

Garowe, Oct, 11 – Wasiirka duulista hawada iyo garoomada dawladda Puntland Cali Axmed Cali Gamuute ayaa maatay Radio Daljir ugu warbixiyay xaallada garoomada Puntland, waxaana uu tilmaamay inay jiraan waxyaabo badan oo u qabsoomay wasaaradiisa tan iyo markii loo doortay xilka, iyadoo uu xusay inay jiraan qorshayaal faro badan oo ay hiigsanayaan iyo kuwo xilligaan qabyo ka ah oo u baahan dhammaystirid.

Cali Axmed Gamuute ayaa dhinaca kale ka hadlay hormarka garoomada Puntland, waxaana uu ku eedeeyay ganacsatada Puntland inay gaabis ka noqdeen sidii ay qayb-uga qaadan lahaayeen hormarka iyo dhayactirka garoomada Puntland. Waxaa wasiirku uu xukuumada Puntland ku ammaanay doorka ay ka qaadatay dayactirka garoomada Puntland, isagoo xusay in dawladdii dhexe ee Soomaaliya aysan Puntland ka dhaxlin wax garoomo ah, oo meel cidla ah ay wax ka bilaabeen.

Wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo garoomada Puntland Cali Axmed Cali Gamuute ayaa isagoo ka hadlaya faa’iidada garoomadu u leeyihiin mustaqbalka dalka, waxaa uu yiri “Waa muhiim in bulshadeenu fahmaan in garoomadu yihiin muraayadii dalka, isla markaana ay ka qayb-qaataan dayactirka garoomada Puntland” Waxaana wasiirku uu hadalkiisa raaciyay in qaybaha kale duwan ee bulshada ku dhaqan Puntland looga baahan-yahay inay si qoto dheer u fahmaan muhiimada garoomadu u leeyihiin jiritaankooda, iyo mustaqbalka dalkooda.

Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’

Radio, Daljir – Garowe http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: