Waa kuma wasiirka cusub ee arimaha dibada Soomaaliya loo magacaabay, Maxaan ka naqaan? (Akhriso)

Waa kuma wasiirka cusub ee arimaha dibada Soomaaliya loo magacaabay, Maxaan ka naqaan? (Akhriso)

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud wuxuu dhashay 1968-dii, isagoo ku dhashay magaalada Muqdisho, sannooyinkii u dambeeyey wuxuu la shaqeeyey Qaramada Midowbay, gaar ahaana Xaafiiska Siyaasadda ayuu ka ahaa Lataliye sare oo ka hoos shaqeynayay ergaygii gaarka ahaa ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya Augustino Mahiga xiligii dalka uu ka baxayay KMG-nimada.

Sidaas oo kale Wasiirka cusub Dawladdii KMG ahayd ee Cabdullaahi Yuusuf ayuu mudo kooban wasiirka ka noqday Agaasimihii Madaxtooyada, ka horna wuxuu u shaqeynayay Hay’adda Horumarinta Qaramada Midowbay ee UNDP.

Bishii August 2017-kii ayaa loo magacaabay Lataliyaha Madaxweyne Farmaajo ee Doorashooyika & Dimuquraadiyadda, laakiin meel uu iska casilay lama sheegin.
Sannadkii 2017-kii, ayuu ka mid noqday musharaxiintii iskugu soo taagay jagada Madaxweyne-nimada ee Soomaaliya, isagoo ku guuldareystay in uu codad ka helo hoolka baarlamaanka.

Wasiirka cusub aabihiis Cabdirisaaq Maxamuud ayaa 15 sanno in ka badan soo ahaa Wasiir katirsanaa Xukuumaddii Milateriga ee Soomaaliya, wuxuuna kasoo jeeday gobalka Mudug, waxaana si weyn loogu xasuustaa Ole-Olihii Reer miyiga ee Afka Soomaaliga, oo ay Hay’addo caalami ah abaalmarin kusiiyeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com