Waa kuma Safiirka cusub ee badali doona Donald Yamamoto?

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu Safiir cusub u soo magacaabo Soomaaliya, kaasoo bedelaya Donald Yamamoto oo howshiisa diblomaasiyadeed u soo dhamaatay.

Safiirka cusub ee bedelaya Yamamoto ayaa lagu magacaabaa Lary Edward Andre, kaasoo ahaa Safiirka Jabuuti tan iyo sanadkii 2017.

Lary ayaa sidoo kale Safiir kasoo noqday dalalka Mauritania iyo Koofurta Suudaan, waa 60 jir, tan iyo sanadkii 1990 ayuu ka soo shaqeynayay howlaha diblomaasiyadda.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ku leh Safaarad, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com