Waa Kuma Danjiraha Cusub ee Midowga Afrika u joogi Doona Somalia

Khamiis, Oktoobar 08, 2015 (Daljir) — Danjire Madeira oo u Dhashay Mozambiik ayaa tan iyo sannadkii 2010-kii ka shaqeynayay ururka Midowga Afrika, isagoo ahaa wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee isku-xirka ka hortaga argagaxisada, musuq-maasuqa iyo agaasimaha xarunta Afrika ee magaalada Al-jersi ee daraasaadka iyo cilmi-baarista arrimaha argagaxisada oo loosoo gaabiyo [ACSRT].

Sidoo kale, Francisco Madeira ayaa soo noqday danjiraha Mozambique waddamo ka tirsan Qaaradda Afrika intii u dhexeysay 1984-kii – 1989-kii iyo la-taliyaha madaxweynihii dalka Mozambique.

Wakiilku wuxuu kaloo ka mid noqday xubnihii ka qayb-qaatay wadahadalladii ka dhacay Roma ee RENAMO oo lagu saxiixay heshiiskii nabaadeed ee dalkiisa Mozambique bishii Ogoosto 1992-kii. Wuxuuna sidoo kale kasoo qabtay dalkiisa xilal wasiirnimo kuwaasoo ay ka mid yihiin, wasiirka xiriirka xafiiska madaxweynaha iyo baarlamaanka waddankiisa. Isagoo intii u dhexeysay 2000 illaa 2010-kii soo noqday wasiirka xafiiska wasiirka xafiiska madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda.

Danjire Francisco ayaa wuxuu kaloo ka qaybgalay dhowr geedi-socod nabadeed ee Afrika, isagoo ahaa ergaygii gaarka ah ee dowladda Mozambique ee gobolka harooyinka waaeyn. Wuxuu xubin ka ahaa heshiiskii dhexdhexaadinta ee wadanka Burundi, isagoo soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Qaranka Mozambique intii u u dhexeysay Jan, 2005-kii illaa Jan, 2010-kii.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com