Site icon Radio Daljir

Waa 20-askari oo ciidamada dowladda faderaalka katirsan oo la maxkamadeeyey(sawiro)

Maxkamadda Darajada, 1-aad u fariisatay eedd loo heystay 18-Askari oo ka tirsan Guutada 14-ka October ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyadav oo Maxkamadda Darajada, 1-aad ay go’aan ka soo saartay dacwadda ka dhanka ah 18-kaas Askari.

Dable Xoogga dalka:- Xuseen Baashi Cawad Canshuur, C/wali Ibraahim Max’d Xasan, Sharmarke Cabdi Max’d Nuur, Ismaaciil Saciid Muuse Xiir, C/wali Faarax Ismaaciil Max’ud, C/shakuur Max’d Xirsi Cali, Fatxi Aadan Cali Yuusuf, Jaaamac Cabdullahi Max’ud Cige, C/kaafi Max’d Diiriye Farweyne, Max’d Axm’d Dhalac Cabdi, C/nuur Cabdullaahi Max’d Cabdi, C/raxmaan Xirsi C/raxmaan Ciise, Daahir Max’ud Gurxan Cali, Ax’d Jaamac Siid Cali, Cabdi Xasan Max’ud jaamac, Jamaal Cabdi Jaamac Cilmi, Cali Max’d Abyan Cilmi iyo Yuusuf Saxardiid Yuusuf jaamac.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay 5-sano oo xabsi ciidan ah keddib markii ay ku cadaatay in si wada jir ah uga qeyb qaateen abaabullo qabyaaladeysan iyo kicinta shoobaro ciidanka dhexdiisa ah, waxa ayna si usku mid ah u diideen amarka taliyahooda oo uu wehliyo abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Sooomalaiyeed- sida uu u sheegay G/dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Adan (Wabiyow) oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Darajada 1-aad dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay go’aanka Maxkamadda.

Back to Home page