W-murtiyeedka Shirkii khamiislaha ahaa ee Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu Shir-Guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa looga hadlay arimaha kala ah Amniga dalka, Xeerka tayo-dhowrka kheyraadka Badda Iyo Warbixino kale.

Xaaladda Amniga Dalka:

Golaha Xukuumada Dawladda Puntland oo warbixin ka dhagaystay Wasaaradda Amniga ayey ku sheegtay in guud ahaan dalku xasiloon yahay, waxayna golahu cadeeyeen in si dhow loola socdo talaabo cadna laga qaadayo isku-dayada malgan ee ay maleegayaan nabadiidku gaar ahaan maleyshiyaada kasoo duulay Hargaysia.

Sidoo kale Golaha Xukuumada Dawladda Puntland oo ku dheeraday Amniga dalka ayaa faray shacabka Puntland inay lashaqeeyaan laamaha Amniga gaar ahaan ciidamada qalabka sida ee u taagan difaaca iyo xoreynta dalka.

Ansixin Xeerka Tayo-dhowrka Kheyraadka Badda Puntland.

Golaha xukuumada Dawlada Puntland oo warbixin kooban ka dhageystay Wasaaradda Kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda ayaa ansixiyey xeerka tayo-dhowrka kheyraadka Badda Puntland.

Xeerkaan oo qeexaya ka faa’idaysiga guud ahaan kheyraadka Badda Puntland gaar ahaan kaluunka iyo adeegsigiisa casriga ah ayey golaha xukuumaddu si aqlabiyad ah ku meel mariyeen.

Warbixino:

Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland ayaa warbixin ka dhagaystay Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah oo kawar bixisay shirkii SDRF ee Muqdisho, sidoo kale guddiga dabagalka iyo tirokoobka gaadiidka Dawladda (GD) ayaa ka warbixiyey habka tixraaca iyo adeegsiga gaadiidka Dawladda.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com