Vladimir Putin oo loo caleemasaarayo madaxweynenimada Russia

Moscow, May 07 -Vladimir Putin ayaa maanta loo dhaarinayaa xafiiska madaxtinimada ee dalkaasi Russia, waxana xafladaasi ka dhacaysa aqalka Kremlin ?ka ee loooga arrimiyo dalkaasi Ruushanka ee ku yaalla magaalada caasimada ah ee Moscow.

Mr Putin ayaa ku noqonaya madaxtinimada dalkaasi Russia , kaddib 4 sano oo uu ka maqnaa ,iyadoo xilligaasina uu hayey xafiiska reysalwasaaraha ee dalkaasi .

Ninka xafiiska madaxtinimada ka degaya ee Dmitry Medvedev, ayaa ahaa isbahaysi ay aad isugu dhowaayeen Mr Putin.

Vladimir Putin ayaa loo dhaarinayaa markii saddexaad madaxweynenimada dalkaasi Russia ,iyadoo arrintani ay ka timi guushiisii doorashadii muranka keentay ee bishii march.

Kumanaan qof oo mudaharaadayaal ah oo ka horjeday caleema-saarka Vladimir Putin iyo ciidamada ammaanka ayaa axaddii shalaytoole isku dhacay magaalada Moscow.

Mr Putin ayaa lagu dhaarinayaa hool weyn oo ku yaalla dhismaha weyn ee qasriga Kremlin-ka oo mar xarun u ahaan jiray imbaraadooriyiintii dalkaasi Ruushanka ee tsars .

Dastuurkii la bedelay ee dalkaasi Ruushanka ayaa mr Putin ka caawiyey in markii saddexaad loo doorto hogaanka dalkaasi, iyadoo immika xafiiska loo dhaarinayo 6da sano ee soo socota, waxana uu raadinkarayaa in mar kale la soo doorto, iyadoo ay suuragal atahay in uu madaxweyne ka sii ahaado dalkaasi tan iyo sanadka 2024,waxana haddii uu dhamaysto lixda sano ee immika la doortay uu noqonayaa hogaamiyihii ugu xukunka dheeraa tan iyo hogaamiyihii dalkaasi Russia ee Joseph Stalin.

Madaxweyne Putin ayaa xilligan madaxtinimadiisa ee la doortay waajahaya dhibaatooyin dhinaca Siyaasadda ah,iyadoo dhaqaalaha dalkaasi uu fadhiid noqday xilliyadii ugu dameeyey, waxana sidoo kale jirta rabshadaha ka jira mandiqadda waqooyiga Caucasus.

Dad badan oo reer Russia ah ayaa rumaysan in Vladimir Putin uu yahay hogaamiye wax midayn kara , islamarkaasina leh burji uu ku waajihi karo duruufaha taagan ,iyadoo dadka caaddiga ah ee reer Russia laga soo xigtay in aanay garanayn hogaamiye la mid ah mr Putin .

Abdirashid Musse
Daljir Bosaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com