USA iyo AU oo Ka Hadlay Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya

USA iyo AU oo Ka Hadlay Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Mareykanka iyo Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee (AFRICOM) ayaa waxa ay ka hadleen Ciidamada dhowaan Dowladda Mareykanka ay u soo dirtay Soomaaliya iyo Amniga guud ee Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamadaasi aysan aheyn kuwo wax ka bedelaya Istiraatiijiyada dhinac amniga, balse ay yihiin Tababarayaal Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ka caawinaya dhanka Tababarada.

Dhanka kalena, waxa ay sheegeen in hadafkoodu yahay sidii Soomaaliya ay ula wareegi laheyd Amnigeeda 2020-ka, ama 2021-ka, xilligaasi oo la filayo in ay dhacdo Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah ee gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay 2018-ka in ay bilaabayaan ka bixista Soomaaliya, si Ciidamada Soomaaliya ay ula wareegaan Amniga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com