Ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed oo cambaareeyey xanibaadii suxufiyiinta ee Muqdisho.

Muqdisho, Sep 22 2016–Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu uu si kulul u canbaareynayaa isla markaana uu wax laga xumaado uu ku tilmaamayaa warqad wargalin ah oo ka soo baxday xafiiska Maareeyaha Guud ee Maamulka Amniga Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde General Cabdi Ashir Jaamac taas oo lagu amrayay hey’adaha amniga garoonka in wariyayaasha laga xannibo howlaha ay shacabka u hayaan iyo galitaanka garoonka diyaaradaha muddo lixdan cisho ah iyaga oo aan wax fasax ah ka heysan maamulka garoonka diyaaradaha.

Sida lagu xusay qoraalkaas ciddii jabisa amarkaas ka soo baxay xafiiska Maareeyaha Guud ee Maamulka Amniga Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde waxaa ay muteysan doontaa ganaax shirkadeed,xarig iyo in laga mamnuuco soo galitaanka garoonka.

Ururka suxufiyiinyta Soomaaliyeed ee NUSOJ waxa uu tallaabadan u arkaa mid liddi ku ah xurriyadda hadalka ,xorriyadda warbaahinta iyo xaqa ay shacabka u leeyihiin in ay helaan war sugan oo madax bannaan meel kasta oo munaasab ah.

Wariyayaashu waa kuwa dhexdhexaad ah mana quseeyaan dhaqdhaqaaqyada siyaasiga ee jira xilliga doorashada ,waana in ay helaan fasax ay ku gaari karaan goobta kasta oo muhiim u ah in shacabka Soomaaliyeed war sugan lagaga soo gudbiyo iyaga oo aan wax u dhimeyn amniga.

“Go’aanka ka soo baxay masuuliyiinta amniga garoonka diyaaradaha waa mid walaac weyn ku abuuray wariyayaasha Soomaaliyeed ,waana mid si buuxda Qatar u galinaya xurriyadda hadalka ,warbaahinta iyo cabbiraadda ra’iyaga ,sidaa awgeed waxa aan ka codsanaynaa masuuliyiinta Dowladda Federaalka sida Madaxweynaha ,Ra’isulwasaaraha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka iyo dib loo eego go’aankan ,lana tixgaliyo dastuurka wadankeenna u yaalla oo damaanad qaadaya xuriyadda hadalka” Waxaa sidaa yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Maahir Jaamac Aden oo ka hadlay go’aanka maanta ka soo baxay maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa xusay in wariyayaasha ay had iyo jeer fasax ku gali jireen garoonka oo aaney horeyba u jirin cid garoonka gali kartay fasax la’aan ,sidaa darteedna ay la yaabban yihiin waxa keenay go’aankan cusub ,xilli waliba aad loogu baahan yahay in wariyayaashu in shacabku gaarsiiyaan xogta ay u baahan yihiin maadaama lagu jiro xilli doorasho.

Ururku Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ waxaa uu ugu baaqayaa wariyayaasha in ay si taxadar leh go’aan mid ah uga qaataan xanniaabadda lagu soo rogay muddada lixdanka cisho ah aragtidoodana ay mideeyaan maadaama go’aankan uu yahay mid meel ka dhac ku ah qawaaniinta dalka iyo u yaal iyo guud ahaan anshaxa saxaafadda madaxa bannaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com