Ururka Suxufiyiinta NUSOJ oo cambaareeyey weerarka agaasimaha Guud ee Radio Daljir

Ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee #NUSOJ ayaa ku baaqay in la joojiyo weerarada ka dhanka ah suxufiyiinta iyo hanjabaadaha joogtada ah ee ay la kulamayaan wariyayaasha Puntland.

Warsaxaafadeed uu soo saaray ururka #NUSOJ ayaa yimi  kadib markii  9 kii bishan uu agaasimaha guud ee Radio Daljir Axmed Sh Maxamed Tallman ka badnaadey isku day dil.
Askari katirsan bilayska Puntland ayaa rasaas ku furay wariye Tallman xili uu kasoo baxay dhismaha Radio Daljir ee magaalada Boosaaso xili uu ku dhawaaqay “Maxaad uga hadasheen Asad Diyaano”, iyo ereyo kale oo cay ah.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay Ururka #NUSOJ  ayaa lagu sheegay in ururka ay soo gaareen xogo dhawr ah oo ka waramaya hanjabaado iyo caga jug layn ay la kulmayaan wariyayaasha Puntland kuwaasoo kaga imaanaya saraakiil ciidan iyo taageerayaasha musharaxiinta u tartamaya doorashada Puntland ee la qorsheeyey inay dhacdo bilowga sanadka soo socda.
Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq

“Weerarka Axmed Tallman waa kii u danbeeyey ee khatataha amaan ee suxufiyiinta Puntland iyo warbaahinta oo xataa lagu khasbo inaysan ka hadlin arimaha amaanka musharaxiinta oo ay samanayaan hay’addo amaan iyo taageerayaasha musharaxiinta mana aha wax la aqbali karo”, ayuu yiri Xogahayaha guud ee ururka #NUSOJ Cumar Faaruuq Cismaan.

Agaasimaha Guud Radio Daljir Axmed Tallman, waxaa weeraray askari ku qaylinaya Asad Diyaano
Agaasimaha Guud Radio Daljir Axmed Tallman, waxaa weeraray askari ku qaylinaya Asad Diyaano
Ururka NUSOJ ayaa warqad ay u direen Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxay ka dalbadeen in la sugo amaanka suxufiyiinta Puntland korna loo qaado xiligan lagu jiro doorashada waxayna NUSOJ  ka dalbadeen Madaxweyne Gaas in degdeg loo baaro sharcigana loo horkeeno kuwa weerarada ku haya saxaafada gaar ahaana weerarkii u danbeeyey ee loo geystey agaasimaha Daljir Radio.
“Wariyayaasha Puntland waa kuwo dhex dhexaadka ah tartanka doorashooyinka, danaha kala duwan iyo gudbinta xogaha. Mana aha in wariyayaashu bartilmaamees noqdaan”, ayuu hadal kiisa raaciyey Xogahaye Cumar Faaruuq.

Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com