Ururka Midnimo oo Xukuumadda Puntland ugu baaqay inay wada hadal ka gasho mudo kororsiga (Dhegayso)

Bosaso, Dec 13 – ?Urur siyaasadeedka Midnimo oo ka mid ah ururada siyaasadda ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Bosaso ayaa markii ugu horaysay ka hadlay mowqifka rasmiga ee ururka uu ka taaganyahay marxaladda siysaadeed ee haatan ka jirta deegaanada Puntland.

Shir saxaafadeed ay maanta xubno katirsan ururka ay ku qabteen magaalada Bosaso ayaa laga soo saaray bayaan kusaabsan xaaladda guud ee Puntland.

Ururka ayaa gees iska taagay muddo kororsiga halka sano ee xukuumadda dib uga dhigayso waqtigii loo balansanaa inay dhacdo doorashada madaxtinimo ee Puntland oo ahayd 8,Jan,2013 iyadoo ku doodaysa lifaaq hal sano u kordhinaya xukuumadda iyo baarlamaanka oo ergadii 480-ka xubnood shiwayynihii dastuurka ee la qabtay bishii April lagu ansixiyay magaalada Garoowe.

Warsaxaafadeedka oo warbaahinta uu ka aqriyay??Dr.Axmed Maxamed Axmed Shirwac oo loo yaqaano Dr Saadiq Eenoow ayaa lagu sheegay madaxdii hore ee ?soo qabatay hogaanka Puntland inay sameeyeen isku dayo dhowr ah oo la xiriirta mudada inay kororsadaan, taasina ay ka dhalatay dhibaatooyin kale duwan

Shirsaxaafadeedka oo dhamaystiran hoos kadhagayso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com