Site icon Radio Daljir

Ururka Map oo Tababar uga furay Garoowe wariyaal (Sawirro)

Ururka Warbaahinta Puntland ayaa maanta 04 Diseembar 2018, magaalada Garowe uga furay 30 saxafi tababarka badqabka iyo tebinta doorashooyinka.

Gudoomiyaha MAP Maxamed Daahir Caynsane ayaa ku tilmaamay ujeedka inuu yahay sare u qaadida wacyiga warfidiyeenka iyo xoojinta doorka warbaahinta xiligan kala-guurka ah.

Waxa uu sheegay in MAP, dowladda iyo murashaxiintuba wada saxiixi doonaan xeerka anshaxa doorashooyinka si loo hubiyo habsami u socodka hanaanka doorashooyinka.

Wasiirka warfaafinta Puntland Mudane Cabdi Xirsi Qarjab oo si rasmi ah u furay tababarkan ayaa ku adkeeyay muhiimada ay leedahay ilaalinta anshaxa mihnada iyo ka fogaanshaha waxkasta oo abuuri kara xasilooni darro.

Tababarkan oo ay ka qaybqaadanayan hawl-wadeenada warbaahintu ayaa waxa uu socon doona saddex maalmood.

Exit mobile version