Ururka Map oo cambareyaay dil xalay Gaalkacyo lagu geeystay Wariye

Ururka Map oo cambareyaay dil xalay Gaalkacyo lagu geeystay Wariye

Ururka suxufiyiinta Puntland ayaa warsaxafadeed ay soo saareen waxay cambaareeyay dilka Cabdirisaaq Siciid Cismaan oo kamid ahaa suxufiyiina ka hawlgalaayay Idaacadda Codka Nabada ee magaalada Gaalkacyo.

Suxufiga ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo weerar loo adeegsaday Toorey oo Kooxo hubeysani ay xalay ugu geysteen Magaalada Gaalkacyo habeen kii xalay ahaa xili uu ka soo baxay howlihiisa howlihiisa shaqo kuna sii jeeday hogyiisa,waxaana kooxaha dilka u geystay ay dhowr jeer la dhaceen toorey sidaasna uu marxuumku ugu geeriyooday falka tooreyda ee lagula kacay.

Ciidamada Amniga ee Magaaladda Galkacayo ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay 4 qof oo lagu tuhunsan yahay dilka Wariyahaasi. Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxda dilka gaysatay ay doonayeen in ay marxuunka ka qaataan qalab warbaahineed oo u watay.

Agaasimaha idaacada Codka Nabada Axmed Caano geel oo wareysi siiyay warbaahinta wuxuu sheegay in marxuumka la dilay uu ahaa Suxufi howlkar ah oo ugu firfircoonaa shaqaalaha ka howlgala idaacada Codka Nabada isla markaana uu caan ku ahaa barnaamijyada arimaha bulshada.

Allaha u naxariistee Suxufi Cabdirisaaq Siciid Cismaan wuxuu mudo ku soo jiray mihanada saxaafada ,isagoona markii ugu dambeysay la shaqeynayay idaacada Codka Nabada Gaalkacyo.

Magaalada Galkacayo ee Gobolka Mudug 10 sanno ee u dambaysay waxaa lagu dilay tiro suxufiyiin ah oo ka howlgalyay warbaahinta kala duwan. Marna laguma guulaystay in gacanta lagu soo dhigo gacan-ku-dhiiglayaasha ka dambeeya dilalka wariyayaasha

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com