Mogadishu,Feb 10 -Ururka xagjirka ah ee Al-Shabaab ayaa si rasmi ah ugu biiray ururka Al-Qaaciada sida lugu sheegay muuqaal Vedeo ah oo lasoo badhigay.
Hogaamiyaha ururka Al-Qaacidda Ayman Al-zawaahiri ayaa ka sheegay muuqaalka lasoo bandhigay inay tilaabadni faraxadgalin doonto dadka muslimiinta islamarkaana ay carro ku abuuri doonto dadka gaalada ah sida uu sheegay.
Waxaa uu sheegay ururka Al-Shabaab inuu ku biiray ururka Al-Qaacidda,dhinaca hogaamiyaha ururka Al-Shabaab Sheekh Axmed Godane oo isagunha hadlay ayaa sheegay askariga Al-Shabaab inuu ka mid yahay ururka Al-Qaacidda,isagoona hoosta ka xaqriiqay siwada jira h inay ururadooda isaga kaashan doonaan dagaalada kasoconayo Soomaaliya.
Ururka Al-Shabaab ayaa horay usoo dhoweeyay jagada Ayman Al-Zawahiri uu qabtay kadib markii la dilay hogaamiyihihii hore Al-Qaacidda Osama Binladin.
Dadka arimahan ka faalooda ayaa sheegaya inaysan ahayn wax cusub inuu xiriir dhexmaro Al-Qaacida iyo Al-Shabaab balse arintan ay tahay mid sii kordhin doonto howlgalada dibadda iyo kuwa gudaha ee xiligaan kasoconaya qaybo ka mid ah dalka,saamayna ku yeelan doonto shacabka.
Diiwaanka Wararka
Daljir Bosaso.