Ururada Siyaasadda Puntland iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Heshiis Kala Saxiixday (Sawiro)

Garoowe,09 May 2013 Shir ay Isugu yimaddeen Masuuliyiinta Xisbiyada Siyaasadda iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland oo ka Dhacay? Xaruunta Ha?ada hormarinta iyo cilmi barista Puntland ee? PDRC ?ayaa Lagu soo bandhigay Qaabka Wada shaqayned ururada siyaasada ka Qayb galaya Doorashoyinka Lafilaayo inay Dhacaan dhawaan iyo Guddiga Doorashoyinka Puntland ee u Xilsaaran Arimaha Doorashooyinka.

Kulanka oo ay Goobjoog ka ahaayen Xisbiyada ku Qanacsan ka Qeybgal Nidaamka Doorashoyinka oo Gaaraya ilaa 4-Xisbi oo kala ah UDAD, WADAJIR,HORCAD iyo ?HORSEED ayaa waxaa ka maqnaa 2-Labadda urur siyaasadeed ee Midnimo iyo PDP oo horey u Sheegay Qaabka ay wax ku Socdaan inuu yahay Nidaam Aan Sharci ahayn.

Gaba gabaddii Kulanka Dhexmaray Xisbiyadaan iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland ayey Siwadajir ah ula Hadleen Saxaafadda waxaana ay ku Faahfaahiyeen Qodobadda Ay ku Heshiiyeen oo ka Koobnaa Saddex Qodob oo kala Ah.

1: In Lahelo Maxkamadd Dastuuri ah.

2: In Shaqaalaha Doorashooyinka Niddaam? Caddaalad ah oo ururada ?Lagala Tashaday Lagu Qaybsado.

3: In Isbaddel Lagu Sameeyo Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland

Waxaana Meesha ka Muuqatay Inay Dhamaan ururada iyo Guddiga Doorashooyinku? ku Qanacsan yihiin Qoddobadaan ay ku Heshiiyeen oo ahaa kuwo Muran iyo Ismari ?waa ku Abuuri lahaa Hanaan socodka Nidaamka Doorashooyinka Puntland.

Cumar Ismaciil Waabari oo ah Guddoomiyaha Urur Siyaasaddeedka Horcad oo isna Saxaafadda Lahadlay ayaa Rajo ka muujiyey Hanaan socodka Doorashooyinka maaddama laggu Heshiiyey Qodobo Mugdi iyo ?Shaki ku jirey Hadda kadibna uu filaayo inay Bilaami doonaan Waji Cusub oo Reer Puntland u Horseedi kara Hormar iyo Dimuqraadiyad.

Heshiiskaan ururada ?Siyaasadda Iyo Guddiga KMG ah ee Doorashada Puntland Galabta Dhexmaray ayaa kusoo aadaya Xili Madaxweynihii Hore Puntland General Cadde Muuse uu Galinkii Hore ee Maanta uu Shaaciyey inaysan Doorasho Axsaab ah ka Hirgalayn Puntland,uusana Aqoonsanayn ururo siyaasadeed oo Jira Xiligaan.

Genaral Cadde Muuse ayaa Horey usoo Qabtay Xilka Madaxtinimada Puntland waxaana Doorasho baarlamaani ah ?kaga Guuleystay sanadkii 2009 Madaxweynaha Haatan Talladda haya ?C/raxmaan Faroole, waxaana uu Cadde Muuse kamid yahay Siyaasiyiinta Magac Dheer ku leh Puntland.\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Idle Moallim Omar

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com