Urur siyaasadeedka UDAD oo sheegay inay jiraan dad ku hawlan burburinta ururka (Sawirro)

Gaalkacyo, March 10- Urur siyaasadeedka UDAD oo ka mida lixda urur siyaasadeed ee Puntland ka jira ayaa sheegay inay jiraan shakhsiyaad ku hawlan sidii ay u burburin lahaayeen ama ay u magac dili lahaayeen jiritaanka ururkaasi.


Masuuliyiinta ururka UDAD ee gobolka Mudug ayaa maanta koox wariyayaal ah oo ay ku jiraan hawlwadeenada daljir waxay geeyeen xarunta ururka oo ku taal xaafadda Garsoor si ay ugu xaqiijiyaan furnaashaha xafiiska iyo inuu wato shaqooyinkiisa caadigaa.


Afhayeenka ururka ee xafiiska Mudug C/raxmaan Aaden Cilmi ayaa sheegay inay jiraan dad la soo abaabulay oo doonaya inay xagal daaciyaan hawlaha ururka balse ay u dhabar adaygayaan caqabad kasta oo ka hortimaada, hadalkii dhawaan dhalinyaro reer Puntland ah saxaafadda ay ka sii daayeenna uu ahaa mid la soo qorsheeyay.


Hadalka ka soo baxay ururka UDAD ayaa ku soo aadaya xili maanta gudiga doorashooyinka PL ay ku dhawaaqeen ururada ka qayb galaya doorashooyinka golayaasha deegaanka uu UDADna uu ka mid yahay.


Diiwaanka Wararka daljir
Gaalkacyo
(S)


Daawo Sawirada

\"\"

\"\"

\"\"
?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com