Urur siyaasadeed loogu magac daray SSC oo lagaga dhawaaqay Hargeysa.

Hargeysa, Oct 27 – Waxaa magaalada Hargeysa maanta lagaga dhawaaqay urur siyaasadeed loogu magac daray SSC oo uu hogaamiye ka yahay Kayse Cabdi Yusuf.

Kayse oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in uu ururka SSC ka mid yahay ururada siyaasadeed ee u tartami doona doorashooyinka golayaasha siyaasadeed ee Somaliland.

Waxaa uu intaas ku daray in uu aad u rajaynayo in uu helo taageerada shacabka Somaliland, ururkiisuna uu ku guulaysto doorashooyinka mustaqbalka dhaw.

Xubnaha ururka SSC ayaa waxaa kam id ah:

1. Xasan Xuseen Maxamed
2. Cismaan Maxamed Bacaadweyn
3. Saleebaan Yaasiin Ducaale

4. Maxamed Cali Cilmi
5. Dawlad Baaruud Duulane
6. Cabdi Saleebaan Mire
7. Jamaal Jaamac C/llaahi.

Kayse ayaa hore uga tirsanaa ururka SSC ee u doodi jiray xoraynta iyo midnimada gobollada Sool, Sanaag & Cayn, balse ka mid ahaa siyaasayiin ka soo jeeda gobolladaas oo kal hore u diga-rogtay, aqbalayna siyaasada Somaliland.

Waxaa uu ka qayb qaatay dagaaladii kal hore ka dhacay Kalshaale, Cayn; waxaana uu hormood ka ahaa shir wadatashi oo Widhwidh ku dhex maray siyaasiyiin uu isagu ka mid yahay, iyo madax ka tirsan Somaliland.

Kayse Cabdi Yusuf waxaa uu muddo dheer ahaa guddoomiyaha gobolka Cayn, kana tirsanaa maamulka Puntland; ma aha siyaasigii ugu horeeyey ee u kala wareega labada maamul.

Siyaasada Somaliland ayaa ku salaysan gooni-goosad, halka Puntland ay ka duusho siyaasad ku salaysan midnimada Somaliya iyo hirgelinta nidaam federaali ah oo ka hanaqaada gobollada Somaliya.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com