Urrurada bulshada iyo maamulka Gaurdafu oo horumarinta adeegyada muhiimka ka shiray (Dhegeyso)

Caluula, November 28, 2013 – Tuulada Xaabo ee gobolka Guardafu ee Puntland, waxaa maanta lagu soo afmeeray shir muddo shan maalmood ah uga socday qaybaha bulshada gobolkaas iyo maamulka, shirka ayaa laga soo saaray bayaan.

Urrurada bulshada oo laga kala keenay degmooyinka gobolkaas iyo maamulka ayaa isla soo qaaday xaalada gobolka ee dhinacyada amniga, horumarinta iyo isku xirnaanta bulshada gobolka cusub ee Guardafu.

Kulanka ayaa la iskula soo qaaday sidii xal loogu heli lahaa baahi badan oo dhinaca adeegyada bulshada ah oo ka jirta gobolka, sida adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka oo gobolku aad ugu liito, ka qayb-galayaasha shirka ayaa isku raacay in baahidaas xal loo helo iyadoo la iskaashanayo.

Maxamuud Cabdi Ibraahim oo daljir ka tirsan oo gobolka jooga waxaa uu sheegay in bayaan balaaran la soo saaray shirka, waxaa uu tilmaamay in urrurada bulshada, odoyaasha ?iyo maamulka gobolka ay isku raaceen in si guud looga wada shaqeeyo wax ka qabashada baahida ka jirta gobolka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso: Faadumo Taxadar oo daljir ka tirsan ayaa waraystay Maxamuud Cabdi Ibraahim

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com