UNSOM oo war ka soo saartay weerar lagu qaaday kolonyo ay lahayd Qaramada Midoobay

UNSOM oo war ka soo saartay weerar lagu qaaday kolonyo ay lahayd Qaramada Midoobay

iyadoo Malayshiyaad hubaysay  oo Soomaali ah ay weerar ku qaadeen kolonyo gar gaar siday oo ay lahayd Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobaay ee dalka Soomaaliya, ayaa arintaasi waxaa ka hadlay  wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya  .

Weerarkan ayaa waxa  uu ka dhacay  magaalada Cadaado 3dii bishan November.

War-saxaafadeedkan ayaa waxaa lagu yiri “Weerarkii loo geystey kolonyada Qaramad Midoobay ma aha wax la aqabali karo,waxaana ugu baaqeynaa Maamulka Galmudug iyo Dowlada Federalka in lala xisaabtamo maleeshiyaadka rasaasta ku furay saaxibadeen, weerar noocaan oo kale ahna laguma qaadin shaqaalaha Qaramada Midoobay waqti dheer.”ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee qaramada midoobay dalka Soomaaliya Nicholas Haysom.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay waajib tahay inay helaan shaqaalaha Qaramada Midoobay marino xor ah oo ay maraan shaqaalaha Qaramada Midoobay.

“Waa inay awood u helaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee UNSOM iyo shaqaalaha QM,sanduuqyada iyo barnaamijyada iyagoo aan halis ugu gelin in la rasaaseeyo sabab la’aan.”

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com