Site icon Radio Daljir

UNMG Oo shaaciyey in dilkii sheikh Rogo ee Mombaza ay ka dambeeyeen sirdoonka USA ee Kenya

Nairobi, July 22- 2013 – Qoraal lagu baahiyey bogga hore ee wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa lagu ?shaaciyey in dilkii sheikh Cabuud Rogo ay ka dambeeyeen sirdoonka Maraykanka, kaas oo goor habeen ah lagu dilay magaalada Mombaza sanadkii hore bishii Agoust.

Waxaa si rasmi loogu shaaciyey qoraalka wargeyska in dilka sheikh Cabuud Rogo ay dileen hay?adaha sirdoonka Maraykanka ee jooga Kenya, waxaana war-bixinta ku xusan in Sheikh Rogo uu ahaa wadaad Xag-jir ah oo taageera kooxda Al-shabaab.

Wargeyska The Star ee magaalada Nairobi waxuu soo xigtay qoraal ay dhowaan shaaciyeen guddiga dabagalka xayiraada saaran Soomaaliya iyo Ereteria ee la yiraahdo Monitoring Group, kuwaasi oo soo saaray war-bixin sanadle ah oo lagaga hadlay xaalada labada dal.

Maraykanka ayaa horey ugu daray liiska madow sheikh Cabuud Rogo iyagoo ku eedeyey in uu taageero siin jiray kooxda Al-shabaab, sidoo kale Maraykanku waxay sheegeen sheikh Rogo in uu qeyb weyn ka qaadan jiray sidii dhalinta Keyaanka ah ay ugu biiri lahayeen kooxda al-shabaab.

?

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Daljir.com

Exit mobile version