Uhuru Kenyatta oo Golihiisa Wasiirada isku shaandheen ku sameeyay

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyay golihiisa wasiirada isagoo ka bedelay wasiirkii gaashaandhigga Monica Juma.

Isku shaandheyntan ayaa wasiirka gaashaandhigga Kenya waxaa laga dhigey Eugene Wamalwa halka Monica Juma laga dhigey wasiirka Tamarta.

Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga dowlada Kenya ayaa ah siyaasi hore xilal kala duwan oo ay ka mid tahay wasiirka caddaalada ka soo qabtay dalka Kenya.

Lama sheegin sababta keentay isku shaandheyntan uu sameeyay maanta Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com