HomeUncategorized

Uhuru Kenyatta iyo Madaxa Hay’adda UNHCR oo ka wada Hadlay xaaladda Qaxootiga Kenya

Arbaco, May 06, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR, Antonio Guterres ayaa maanta kulan ku yeeshay Aqalka Dowladda “State House” ee magaalladda Nairobi.

Wada-hadlisiinta siyaasiyiinta Laas-Caanood iyo Buuhoodle.
Tahriibayaal Soomaali ah oo laga bad-baadiyay Dooni ku qalin-bantay Tunusia
Madaxweyne Gaas oo soo xiray Shirkii wadatashiga Puntland oo Gaalkacyo lagu soo Gaba-gabeeyay

Arbaco, May 06, 2015 (Daljir) —  Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR, Antonio Guterres ayaa maanta kulan ku yeeshay Aqalka Dowladda “State House” ee magaalladda Nairobi.

Labada Mas’uul waxay si gaar ah uga wada hadleen Xaalladda Qaxootiga Soomaalida ku sugan Xeradda Dhadhaab, wuxuuna Antonio Guterres ka codsaday Dowladda Kenya inay kordhiyaan ammaanka Xeradda Dhadhaab iyo qorshaha dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida.

“Waxaan codsanayaa in tiro Ciiddanka Khaaska ee GSU loo daad-gureeyo Xeradda Dhadhaab, si loo xaqiijiyo ammaanka, loogana hortago Dembiilayaasha iyo Kooxaga Argagixisadda” ayuu yiri Guterres oo Dowladda Kenya kaga mahadceliyey albaabadda ay u fureen dadka ka soo cararay colaadaha.

Waxa uu intaasi ku daray inay UNHCR taageerayso dagaalka ay Dowladda Kenya kula jiraan Argagixisadda, isla markaana diyaar u yihiin xiriir dhow oo dhex mara labada dhinac.Dhinaca kale, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in cabsi dhinaca ammaanka darteed Qaxootiga dib loogu celinayo dalkooda hooyo.

By: Maxamed Axmed Xaliye 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: