Uhurru Kenyatta oo Mar Kale Loo Doortay Madaxweynaha Kenya

Gudiga doorashada Kenya ayaa ku dhawaaqay natiijadda rasmiga ah ee doorashadii dalka Kenya ka dhacday sedex maalin kahor.

Gudoomiyaha gudiga Wafula ayaa marka hore si faah faahsan uga hadlay marxaladihii ay soo mareen iyo tirintii codadka, isagoo dhanka kale umahadceliyay beesha Caalamka sida ay ugarab taagnaayeen iney dhacdo doorasho rasmi ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in doorashadan ay udhacday si cadaalad ah ayna ku faraxsan yihiin iney si nabad ah ugu dhamaatay.

Waxaa uu sheegay in qayaastii 15 Milyan oo cod ay sax noqdeen doorashadii halka ilaa 4 Milyan oo codna ay halaabeen, waxaana dadka diiwaan gashanaa iney codkooda dhiibtaan ay ahaayeen 19 Milyan iyo bar.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com