Uganda oo u Baroor Diiqday Askari looga Dilay Torotorow

Khamiis, Juun 25, 2015 (Daljir)_ Sida lagu shaaciyay wargeyska New vision ee ka soo baxa dalka Uganda,waxaa 17kii bishan June jidka u dhaxeeya magaalooyinka Balidoogle iyo Torotorow lagu dilay sarkaal sare oo katirsan ciidanka UPDF oo lagu magacaabo Lt Denis Okech Okello.

Sarkaalkan ayaa geeriyooday kadib markii Alshabaab bom ku qarxiyeen gaadhi uu saarnaa oo kamid ahaa ciidan kolonyo ah oo isaga gooshayay deegaanada Balidoogle iyo Torotorow.

Okello ayaa la sheegay inuu door weyn ka ciyaaray qabashadii magaalada Torotorow 2 isbuuc ka hor geeridiisi.Waxaa lagu aasay Boroboro oo ku taala duleedka magaalada Lira.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com