Uganda oo Marti-galinaysa kulan looga Hadlayo la Dagaalanka Al-shabaab

Jimco, Luuliyo 10, 2015 (Daljir) — Hogaamiyaasha dhanka sirdoonka iyo amaanka ee wadamada bariga africa iyo urur goboleedka IGAD ayaa todobaadka soo socda kulan ku yeelan doona magaalada Kampala ee dalka Uganda, si ay dib u eegis ugu sameeyaan dagaalkooda ka dhanka ah Al-Shabaab

Kulanka oo qaadanaya labo maalin ayaa dhacaya inta u dhaxeya 14 bishan July iyo 15 bishan, waxaana looga doodi doonaa hababka iyo qorshaha lagu adkeyn karo amaanka loogana wada shaqeyn karo in si wadajir loola dagaalamo Alshabaab.

Kulanka dib u eegista dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ayaa kamid ahaa hishiisyo la gaaray intuu uu socday kulankii amaanka iyo xasiloonida oo midowga Africa uu yeeshay 30-june ee sanadkan 2015.

Kulankii golaha amaanka ayaa loogu yeeray in dib u eegis lagu sameeyo daabulitaanka ciidamada nabad ilaainta ee gobolka iyo iney qiimeeyaan howlgalka Midowga africa ee Soomaaiya ka socda.

Uganda ayaa ugu deeqday howlgalka AMISOM ciidamada ugu badan waxayna gaarayaan 6500 oo ciidamo nabad ilaalin ah, kuwaasi oo ka howlgala Shabeelaha Hoose iyo gobolka Banaadir.Golaha amaanka iyo nabad galyada Midowga africa ayaa amaanay howlgalka ka socda dalka Soomaaiya iyo guulaha amniga iyo siyaadada ee laga garay.

Kulanka sirdoonada wadamada IGAD ee ka dhacaya Kampala ayaa xoogiisa waxaa looga hadli doonaa dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com