Uganda oo Janaale ka baadi-goobaysa Askartii looga Dilay weerarkii Al-shabaab

Khamiis, September 03, 2015 (Daljir) — Helikoobtaro kamid ah kuwa ciidamada Milatariga ee dowladda wadanka Burundi ayaa lasheegay inay gobolka Shabeellaha hoose ka baadi goobayaan askar u dhalatay wadankaasi oo lagu waayey weerarkii Alshabaab ku qaaday deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo lahadlay warbaahinta gudaha qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaarado mararka qaar dul heehaabaya deegaamo hoosyimaada Jannaale oo la-aamisan yahay in Alshabaab kusugan yihiin iyo ciidamo argagax lacararay.

In kabadan 30 askar ah ayaa lasheegay in howlgalka Midowga Africa uu ilaa hada raq iyo ruuxba ku la’ayahay weerarkaasi oo ay ku dhinteen in kabadan 50 askari, waxaana socda baaritaani ladoonayo in lagu soo badbaadiyo ciidamadaasi.

Weerar kan lamid ah oo bilowgii bishii Ramadaan ku qaaday saldhig ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ku lahaayeen deegaanka Leego ayaa waxaa lagu diley in kabadan 70 askari oo kamid ah ciidamada howlgalka AMISOM.

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com