Ugaaska cusub ee beesha Sadde oo ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay midoobaan

Baledxaawo,Feb 26 – Ugaaska cusub ee beesha Sadde Daarood Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay mansabka issin ee dhawaan loo caleemo saaray.

Ugaas Maxamed ayaa Soomaalida oo dhan ka dalbaday inay ka shaqeeyaan midnimada umadda soomaaliyeed,si loo helo qarannimadii Soomaliya ee burburtay.

” Dhamaan waxaana dadka farayaa inay ka shaqeeyaan midnimada iyo Soomaalinimada, Isimada Soomaliyeedna waa inay u istaagaan midnimada umadda iyo xal u raadinta Soomaaliya” ayuu yiri ugaaska cusub ee beesha Sadde.

Ugaaska ayaa dhinaca kale isimada Soomaliyeed dhamaantood ka codsaday inay wada shaqeyn ka yeesheen sidii loo hormarin lahaa bulshada,loogana wada shaqayn lahaa midnimada iyo nabad galyada.

Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi ayaa dhawaan lagu caleemo saaray gobolka Gedo,waxaana caleemo saarkiisa ka qayb galay waxgarad,cuqaal,culimaa’udiin, iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ee ku abtirsada beesha Sadde.

Caleemo saarka ugaaskan ayaa yimid,kadib markii uu horay ugeeriyooday ugaaskii hore ee hore beesha Sadde.

Nuur Gaab oo ahaa qabanqaabiyihii caleemo saarka ugaaska ayaa u sheegay Radio Daljir inay ku dadaalayaan sidii loo mideyn lahaa bulshada kunool gobolada Jubooyinka iyo gobolada koonfureed ee Soomaaliya.

Qurbejoogta beesha ee ku nool dalka dibadiisa ayaa horay u soo jeediyay in Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi uu noqdo ugaaska guud ee beesha Sadde.

Mudooyinkii la soo dhaafay issimo ay yeelanayaan beelaha Soomaliyeed,ayaa lagu caleemo saaray meelo badan oo ka mida soomaaliya.

A/risak Ali Abdi (silver)

Daljir Gaalkacyo.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com