Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo lagu caanashubay iyo madaxweynaha oo u hambalyeeyey.

Beledweyne, 25 July 2016–Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan maanta waxaa ka dhacday xaflad si heersaro loo soo agaasimay oo lagu caleemo saarayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta si rasmi ah loogu caleema saaray magaalada Beled Wayne ee gobolka Hiiraan.

“Caleema saarka Ugaas Xasan waa mid muhiim u ah arrimaha dhaqanka iyo dib u heshiisiinta, iyo weliba dadaalka guud ee dib loogu dhisayo Soomaaliya. Waxan aaminsanahay in khibradda iyo waaya aragnimada Ugaaska ay sahli doonto gudashada waajibaadkiisa, anigoo ku kalsoon inuu yahay ruux waxqabadkiisa laga faa’iideysan doono “, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay soo dhoweyneyso caleema saarka Ugaaska beesha Xawaadle, isla markaana ay si buuxda ula shaqeyn doonto.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0