UAE iyo Sacudi Arabia oo Siddeed Bilyan oo Dollar ku deeqay meleteriga gacanta ku haya Masar

Dubia, July 10- 2013 – Masar oo ay weli ka socdaan qalalaasaha siyaasadeed ee u dhexeeya meleteriga afgenbiga sameeyey iyo weliba dhinaca Ikhawanul muslimiin, ayaa haatan waxaa ku sii kordhaysa dalkaasi farga gelinta debeda ee lagu taageerayo dhinacyada is haya.

Dalalka Sucuudiga iyo UAE oo ah dalalka ugu tunka weyn khaliijka ayaa sheegay in ay taageero dhaqaale siinayaan dowlada cusub ee dalkaasi, waxaana arintaasi lagu tilmaamay in Emarat-ka iyo sucuudigu ay la dhacsan yihiin nidaamka Afganbega meleteriga ee dalka Masar ka dhacay.

Wasiirka arimaha debeda ee dalka UAE oo booqasho ku tegay Qaahira ayaa shaaciyey in Dubia ay Masar siinayso lacag dhan 3 Bilyan oo Dollar, sidoo kale dalka Sucuudiga ayaa isna xaqiijiyey in uu siinayo xukuumada Qaahira lacag kale oo gaaraysa 5 Bilyan.

Sucuudiga iyo Qadar ayaa waxaa dhowaantan ka dhexeeyey barratan adag oo khuseeya xaaladaha ka aloosan Masar, waxaana haatan dowlada Sucuudiga ay doonaysaa in ay dib u soo celiso awoodii iyo xiriirkii ay ku dhex lahayd dalalka Carabta.

Khuburrada ka faaloota arimaha Carabta waxay ku tilmaameen taageerrada khaliijku ay u fidiyeen dowlada Masar ee meleteriga ah, ?in ay tahay mid lagu wiiqayo awoodii taageero ee ay Turkiga iyo Qadar ku lahayeen gobolka woqooyiga Afrika gaar ahaan dalka Masar.

Sucuudi Arabia iyo Emarat-ka ayaa ah labba wadan oo walaac xoogan ka qabay awooda sii koraysa ee Ikhwanul Muslimiinta dalka Masar, haatan waxaa gacanta ku haya awoodii dalka Masar meleteriga oo toddobaadkii hore jagada Madaxweynaha u dhiibay gudoomiyihii Maxkamada sare ee dalkaasi.

Xisbiga Akhwaanul ?Muslimiinka ee dalka Masar ayaa diiday in ay wax qeyb ah ku yeeshaan xukuumada KMG ah ee dalkaasi , Madaxweynaha KMG ah ?Cabdli Mansuur ayaa sheegay in la magacaabay Madaxweyne ku xigeenka iyo Ra,isal wasaaraha KMG ah ee dalkaasi, taasi oo la shaaciyey gelinkii dambe ee shalayto.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com