U diyaar-garowga Bur-burka Baqortooyada Sucuudiga

Boossaaso, 21, Febru, 2016 -(Daljir)_Ku dhawaad Qarni boqortooyada Sucuudiga ayaa muhiim u ahayd siyaasadda Bariga Dhexe ee dowladda Maraykanka ,taasi oo loo sababaynayo shidaalka ay siiyaan dowladda Maraykanka ,waxaana taasi badalkeed uu Sucuudigu helay damaanad qaad amni oo ka imaanaya dowladda Washington.

USA  ayaa la sheegay in ay iska indha –tiraysay ficilo ay dowladda Sucuudiga ku faafinaysay nidaamyo xag jir ah ,taasi oo hadda la sheegay in ay hoos-u dhigtay kalsoonidii labad dhinac ka dhaxeysay.

Xaqiiqadii Dowladda Sacuudiga muhiim uma aha siyaasadaha Maraykanka ,iyadoo oo loo sababaynayo labo arimood oo kala ah siyaasadaha xagjirnimada ku salaysan ee Sacuudiga iyo musuq-maasuq ay sii dheer-tahay taagero loo Fidinayo kooxo uu Maraykanku u yaqaan argagaxiso.

Sidaa darteed ganacsiga labada dowladood ka dhaxeeya ayaa lagu sheegay in uu yahay mid aan fadhin ,taasi oo keentay in go’aan qaatayaasha Maraykanka ay ka fiirsadaan duminta boqortooda Sucuudiga.

Dowladda Maraykanka ayaa abaal-badan uga haysa qoyska talada haya oo dhaqaale fara badan siiyay xukuumadda Washington ,waxaana lacagtan badankeed loogu tala-galay in ay kalsooni ka dhex- abuurto labada dhinac.

Inkastoo qiimaha shidaalka dunida uu hoos u dhacay dowladda Sucuudiga ayaa bilowday in ay hormariso cududdeeda milatari ,waxaana ay soo iibsatay hub casri ah oo ay adeegsato Yemen iyo meelo kale oo ay Syria ku jirto. Runtii Riyadh waxa ay qasaarinaysaa lacago badan.

 

Qoraalkan oo dhamaystiran kuna qoran luuqada Englishka hoos ka aqriso .

http://www.theatlantic.com/international/archive/2016/02/saudi-arabia-collapse/463212/?utm_source=SFFB

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com