Turkinga iyo Jarmalka oo ka wada-hadlay soo galootiga Yurub

Isniin, Oktoobar 19, 2015 (Daljir) —Hoggaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa waxa ay booqasho ku tagtay wadanka Turkiga iyadoona kulamo looga hadlayey arrimaha qaxootiga kasoo cararaya dalalka Suuriya iyo Ciraaq layeelatay madaxda wadanka Turkiga.

Angela Merkel ayaa sheegtay in Midowyga Yurub uu doonayo in Turkigu kusoo biiro Midowga Yurub ayna ka caawin doonaan dejinta dadkaasi magangelyo doonka ah, laakiin ay muhiimtahay inuu kaalin muuqata ka qaato caawintooda.

Axmed Davutoglu, ra’iisul wasaaraha wadanka Turkiga ayaa sheegay in fekerka dowladdiisu uu yahay in arrinta qaxootiga lagu xalliyo dalalkooda, taasi oo aysan ku qanacsanayn hogaamiyayaasha dalalka reer galbeedkkku.

Khuburada siyaasadaha falanqeeeya ayaa aaminsan in booqashada Mrs Merkel ay siin doonto madaxweyne Erdogan taageero hagar la’aaneed iyadoo laba toddobaad oo keliya ay ka harsan tahay doorasho, ayna indhaha ka qabsanayso dhibaatooyin waaweyn ee xuquuqda aadanaha oo dalka Turkey-ga ka jira.

By: Abdirashid

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com