Turkiga: “Xubnaha jirkii Khashoggi waa la jarjaray kaddibna waa la qariyey, Sucuudiguna daacad kama aha baaritaanka dilka”

Turkiga: “Xubnaha jirkii Khashoggi waa la jarjaray kaddibna waa la qariyey, Sucuudiguna daacad kama aha baaritaanka dilka”

Kusoo dhawadda akhriste, daawadayaal, dhegaysteyaal warbixinadii la xiiriray dilkii qoraa Jamaal Khashoggi oo warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Turkiga ayaa sheegay in la jarjaray maydkii Jamaal Khashoggi kaddib markii labadii Aktoober lagu dhex diley qunsiyaladda Sucuudiga ee Istanbul.

“Tani waxaa loo aqoonsaday qayb kamid ah qorshe la qorsheeyey ee lagu dilay Jamaal,” sidaas waxaaa lagu sheegay hadal ka soo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Turkiga.

Hadalkan ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa noqonayaa mid ay hore u shegeen sirdoonka Turkiga oo horeyna warbaahinta ula wadaagay in wariyihii wax ku qori jiray Wargayska Washinton Post Jamaal khashoggi maydkiisii la jarjaray.

“Jidhka dhibbanaha Khashoggi ayaa la jarjaray kadibna la qariyey,” ayaa lagu yiri hadalka ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Turkiga.

Laakiin su’aalaha weli taagan baa waxa ay yihiin xaggee lagu qariyey meydka xubnaha Khashoggi? Ma duurka ku hareersan Istanbuul oo weli aad loo baarayo? Ma ceelka ku dhexyaal hoyga Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul oo illaa iyo hadda Sucuudigu diidanyahay in ceelka ama biyaha ceelkaas la baaro? Mise meydkii Jamaal Khashoggi oo la jarjaray baa boorsooyin Dibloomaasi lagu qaatay oo Sucuudiga lagula laabtay?

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa Jimcihii dalbaday in Sacuudi Carabiya ay caddayso halka lagu qariyey maydka Khashoggi iyo 18 qof ee lagu tuhmay in ay ka dambeyen dilkii Mr Khashoggi.

Sucuudigu waxay soo bandhigeen sheekooyin ku saabsan Khashoggi, iyago marka hore diiday inay qirtaan in Qunsuliyadooda turkiga lagu dilay khashoggi kahor inta aysan ku doodin in kooxo khiyaano wadata ah, oo intooda badan ka tirsanyihin sirdoonka Sucuudiga, amarna uu siiyo dhaxalsuge Maxamed Bin Salmaan ay mas’uul ka ahaayeen geerida Khashoggi. Xeer ilaaliyaha guud ee Sucuudiga ayaa sidoo kale qiray in Khashoggi lo dilay si naxariis darro ah.

Baarayaasha Turkiga waxay sii wadaan inay raadiyaan Cadaymo dheraad ah oo ku saabsan halka lagu qariyeey qaybo kamid ah jirka Wariye Jamaal khasoggi.

Ilo ku dhow Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa usbuucii la soo dhaafay u sheegay CNN in meydka Khashoggi ee aan loo aqoonin halka lagu qariyey.

“Waxaan ka codsanay saraakiisha Sucuudiga  halka lagu qariyeey meydka jamaal iyo inay gacanta nooso galiyaan kooxihii dilka geeystay, waxaana u sheegnay in Boqortooyada ay waajib ku tahay in kooxaha ka dambeyeey dilka Khashoggi noogu kenaan Istaanbul si cadaalada lo horgeeyo, ciqaab addagna la marsiiyo,” sidaas waxaa Arbacadi CNN u sheegay sarkaal sare oo dowladda Turkiga.

“Saraakiisha Sucuudigu waxay u muuqdaan kuwo daneynaya in ay ogaadaan cadaymaha ay hayaan masuuliyiinta Turkiga ee ku saabsan cadaymaha laga hayo 18-kii sarkaal ee dilka ka dambeeyey. Si kale haddii loo dhigo, ma aynaan helin aragti ah in ay doonayaan inay si dhab ah uga shaqeeyaan baaritaanka kiiska dilka,” ayuu yiri sarkaalkas oo CNN la hadlay.

Xeerilaaliyaha Guud ee Sacuudiga oo Axaddii tagay Turkiga si uu ula kulmo dhiggiisa Turkiga. Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in diyaaraddi siday dib ugu celisay Sacuudiga Arbacadii, isagoo la kulmay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Istanbul laba jeer, ayna ka wada hadleen dilkii Khashoggi.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Turkiga ayaa soo hadalqaaday kulanka uu la qaatay dhiggiisa Sucuudiga wuxuuna yiri, “Turkiga iyo Sacuudiga waxay isku raaceen in ay baaraan, raadiyaan ayna soo bandhigaan dhammaan faahfaahinta dhacdooyinka la xiriiray Jamaal iyo dhammaan in la horkeeno caddaaladda kuwii fuliyey qorshihii lagu dilay Khashoggi.”

Hase yeeshe hadalkan ayaa lagu yiri in Sucuudigu aysan ka jawaabin saddex su’aalood oo ay masuuliyinta Turkigu waydiyeen, waxaana kamid ah: meesha Khashoggi meydkiisa lagu qariyey; haddii baarayaasha Sacuudiga ay hayaan caddayn ku saabsan qorshaha dilka Khashoggi; iyo aqoonsiga wada-xaajoodka iyo ka wada shaqeynta baaritaanka keynta laga baadi goobayo meydka Jamaal Khashoggi oo la aaminsanyahay in halkaas lagu aasay.

“In kasta oo dadaaladayada ay badanyihiin si niyad ahna baritaanka u wadno, haddana natiijooyin dhab ah kama soo baxin kulamadan,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Istanbul, isaga oo intaa ku daray in ay tahay waajib “in la wadaago faahfaahinta ku saabsan sida Khashoggi loo dilay oo una sheegay xeer ilaaliyaha in la ceejiyeey  Khashoggi kaddibna jirkiisa xubin-xubin loo jarjaray.

Dhinacooda xukuumadda Sucuudiga ayaa sheegtay in ay samayn doonto baaritaano buuxa oo hufan isla markaana la filayo in tuhmanayaasha lagu la ciqaabi doono.

Kaddib markii Sucuudigu qirtay in Khashoggi lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, shan sarkaal oo sare ah ayaa laga eryey shaqadii, oo uu ku jiro madaxa warbaahinta ama dhinaca Miidiyada u qaabilsana Amiir Maxamed Bin Salmaan iyo madaxii sirdoonka Sucuudiga, iyagoo  sheegay 18 qof sucuudiga u xireen dilkii Khashoggi.

Boqor Salmaan iyo wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan waxay ku adkeysanayaan in aysan ogeyn howlgalka lagu beegsaday Khashoggi. Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in howlgalka noocan oo kale ah ay ku jiraan 15 Sirdoon ah oo laga soo diray Riyadh, hawlgal noocaaas ahna aan la fulin karin iyada oo aan oggolaansho laga helin Boqor Salmaan ama wiilkiisa Amiir Maxamed bin Salmaan.

Hakan ka daawo warbixin iyo wararkii ugu dambeyeey ee dilkii Jamaal Khashoggi.

Daljir kala soco wararkii ugu danbeeyey ee Jamal Khashoggi iyo warbixinada sirdoonka Turkiga

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com