Turkiga oo xukun ku riday 104-sarkaal oo damacsanaa inqilaab ay ku sameeyaan Erdoga

Maxkamad ku taala dalka Turkiga ayaa ku xukuntay xabsi daa’in 104 ruux oo militariga dalkaasi ahaa oo  lagu helay inay ku lug yeesheen isku daygii afgambi ee fashilmay dalkaasi ee July 2016, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda.

Maxkamadda ayaa kusoo oogtay raggan inay damacsanaayeen afgambiga xukuumadda sharciga ee dalka , waxaana ay ka dhacday xukunka maxkamadda gobolka Izmir

Xukunka ayaa meesha ka saaray ciqaabta dilka ee dalkaasi uu ku fuliyo dadka eedaymaha noocan oo kalle lagu hello.

Inqilaabka fashilmay ee Turkiga sanadkii 2016kii ayaa waxaa loo soo qabtay 280- ka mid ah howlwadeenada militariga dalka Turkiga.

Kooxihii damacsanaa inqilaabka ayaa la sheegay inay isku dayeen dilka madaxwaye Erdogan oo xiligaasi fasax la qaadanayay qoyskiisa, waxaana duqayn ay ka dhacday goob uu taagnaa kahor 15-daqiiqo intii aan madaxwaynaha goobta laga qaadin.

Inqilaabkii Turkiga ee fashilmay ayaa waxaa uu galaaftay 240- ruux oo aan ku jirin kuwii inqilaabka ku lug lahaa.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com