Turkiga oo tababar soconaya mudo sanad ah siinaya 120 sarkaal oo ka tirsan meleteriga Soomaaliya

Ankara, September 11, 2013 – Xukuumada Ankara ayaa bilowday hir-gelinta qorshihii dhowaan ay meel-mariyeen baarlamanka dalka Turkiga, kadib heshiis ay wada-galeen Soomaaliya iyo dowladda Turkiga oo dhigayey in dalka Turkiga ay caawimaad dhinacyo badan leh u fidiso dalka Soomaaliya.

120 sarkaal oo ka tirsan kuwa sare sare ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa gaaray Turkiga, si halkaas ay ugu qaataan tababar heer sare ah oo socon doono muddo sanad ah, sida ay shaacisay safaarada Soomaaliya ee Turkiga.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah heshiis gaar ah oo wada gaareen wasaarada gaashaandhiga ee Soomaaliya iyo dowladda Turkiga, kaas oo dhigayey in Turkiga kaalin muuqata oo weyn uu ka qaato dib-u-dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, iyo hay?adaha kale ee Amniga.

Xukuumada Turkiga ayaa shaacisay in ay Soomaaliya ka caawinayso horumarinta ciidanka dalka gaar ahaan hay?adaha amniga, Sirdoonka iyo meleteriga, kadib markii la qarxiyey Qunsuliyada Turkiga ee ku taala magaalada Muqdisho.

? Hadda saraakiishii way joogaan Turkiga, waan ka war helnay, qorshana wuxuu qeyb ka yahay caawimaada Turkiga ee Soomaaliya waana soo dhoweynaynaa,? ayuu yiri Cabdulqaadir Nuur oo ka mid ah saraakiisha safaarada Soomaalida ee Turkiga.

Dowladda Turkiga waxay Soomaaliya ka bilowday howlo samafal mudo ku siman labba sano, xiligaas oo macaluul iyo abaaro ay ka dilaaceen dalka Soomaaliya iyo dalal kale oo ka tirsan barriga Afrika, intaas kadib Turkigu waxay sheegeen in Soomaaliya caawin doonaan ilaa ay si buuxda u noqoto dowladda quwad leh.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com