Turkiga oo Saldhig labaad oo Milatari ka Dhisaya Duleedka Magaalada Muqdisho (dhegayso&sawiro)

Turkiga oo Saldhig labaad oo Milatari ka Dhisaya Duleedka Magaalada Muqdisho (dhegayso&sawiro)

Dowladda Turkiga ayaa duleedka magaalada Muqdisho ka dhisaysa xarun lagu tababaro Ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Saldhigan ayaa waxaa laga dhisi doonaa degaanka Jaziira ee degmada Wadajir , waana dhulkii hore ee ciidada xoogga dalka oo ay dad shacab ah ay dhisteen.

Taliyaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliya ,Wasiirka Gaashaandhiga iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Injineer Yariiso ayaa saraakiishii Turkiga ka socotay ku wareejiyay dhulkii laga dhisi lahaa xeradaasi Milatari waxaana hadaladoodii kamid ahaa.

“Waxaan ka wada hadlanay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga sidii loo maareyn lahaa qaar ka mid ah bogcadaha dhulkan oo ay qaar lahaayeen dad shacab ah, Arrinkaas oo aan guddi baaritaan u saareyno. Cid kasta oo dokuminti sax ah la timaadana waxa aan u qoondeynaynaa dhul kale oo la qorsheyn doono”. Ayuu yiri Eng.Yariisow.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Mursal iyo Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa bogaadiyey wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa Ciidanka iyo bulshada Gobolka, iyagoona sheegay in ay kala shaqeynayaan Maamulka Gobolka sidii xal loogu heli lahaa dadka qeybta ku lahaa dhulkan loo aqoonsaday danta guud.

Hoos kadhegayso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com