HomeUncategorized

Turkiga oo Puntland ugu deeqay dhisme masjid dhawaan laga hirgalin doona Garowe.

Caption ...

Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee Puntland oo soo bandhigtay buug ay kaga hadlayso isbadalka Puntland.
Dowladda Kenya oo sheegtay inay ka feejigan tahay weerarada Alshabab.
War saxaafadeed – Guddiga amniga qaranka ee dawladda federalka oo shiray, awaamirna soo saaray.

Garowe, Janu, 23 – Dawladda Turiga ayaa dawladda Puntland ugu deeqday dhisme ballaaran oo masjid kaasi oo dhawaan laga dhisi-doono magaalada Garowe.

Wasiirka caddaaladda Puntland C/kariin Shiikh Xassan ?Ajaayo? oo waraysi gaar ah siiyay radio Daljir ayaa shaaca ka qaaday intaan la bilaabin dhismaha masaajidka in dalka Turkiga gaar ahaan caasumadiisa Istabul tababaro lagu soo siin doono culumaa’udiin iyo qaar-kamida shaqaalaha wasaaradda caddaaladda Puntland, si ay fikir iyo aragti fiican uga heleen masaajid-ya Turkiga iyo habka looga faa’iidaysto.

Wasiir Ajaayo, ayaa sheegay in masjidkaasi uu ka koob-naan doono dhismayaal kale duwan oo u kala baxaya, sida goobo lagu cibaadaysto, goobo lagu shiro, goobo wax-lagu akhristo, goobo jimicsi, goobo waxbarasho, iyo goobo meherado ah.

Wasiirka cadaalada Puntland C/kariin Shiikh Xassan ‘Ajaayo’ ayaa tilmaamay in mashaariicda dhismayaasha masaajida uu yahay mid ay dawladda Turkigu ugu yaboohday guud ahaanba dalka Soomaaliya maamulada ka jira, balse arrintaasi ay kala tashanayso DFKS.

Jamhuuriyadda islaamiga ah ee Turkigu waxaa ay lagu xasuustaa taariikhda dawlaha islaamka dhismayaasha masaajida, tusaale ahaan dhismaha masjidka Maka Al-mukarama ee barakaysan iyo dhismayaal qadiimiya oo masaajid kuwaasoo ay ka dhistay qaaradaha dunida.

Diiwaanka Wararka
Daljir Garowe.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: