Site icon Radio Daljir

Turkiga oo Dhisaya Cisbitaalka Guud ee Gaalkacyo Fulinayana Dhowr Mashruuc oo Kale

Wafdi ka socda dowladda Turkiga ayaa soo garay magalaada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Wafdiga ayaa u yimid Gaalkacyo hirgalinta mashaariic hormarineed. Wafiga waxaa hugaaminayey safiir kuxigeenka safaarada Turkiga ee Soomaaliya, waxayna kulan la qaateen Madaxweynaha dawladda Puntland, Datoor Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Muhiimadda kulanka ayaa ahayd hirgalinta dhowr mashaariic hormarineed oo laga fulinayo magaalada Gaalkacyo, uuna ugu horreeyo Cisbitaalka Guud ee Gaalkacyo.

Safiirka ayaa yiri, “Turkigu wax fiican buu ka qabtay magaalada Xamar, laakiin Xamar oo kaliya isku koobi mayno, hadana Puntland diyaar  baan u nahay, maadaama Puntland ay hormar u soojeesatay, huggankeeduna muujiyey waxqabad iyo dhiiranaan, taasina waa mid naga farxinaysa, nana dhiirigalinaysa.”

Hoos ka dhegayso

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/590be0130501004407e5a4c6/Galkayo+hospital_warbixinta+Wafdiga+Turkiga+By+shafici.mp3?_=1

 

Exit mobile version