Turkiga oo Buuhoodle ka dhisay iskuulka ugu weyn gobolka Cayn (sawirro)

Turkiga oo Buuhoodle ka dhisay iskuulka ugu weyn gobolka Cayn (sawirro)

Dawlada Turkiga ayaa Iskuulka ugu weyn ee gobolka Cayn ka hirgelisey magaalada Buuhoodle waxaana dhismaha Iskuulkan oo ka kooban 4 qaybood oo kala ah qaybaha H/dhexe, sare iyo qayb ardaydu habeenkii seexanayaan (Boarding) ayaa waxaa ku baxday in ka badan $400,000 (Afar boqol oo kun oo dolllar).

Hay’ada Denis Feneri oo laga leeyahay Turkiga ayaa bixisay lacagta lagu dhisay iyadoo ay fulisay Hay’ada maxaliga ah ee Hadwa (Horn of Africa Development and Welfare Association).

Munaasibada xarig jarka ee mashruucan ayaa waxaa ka qaybgalay boqolaal qof oo isugu jira aqoon yahano, odayaal, culimo iyo boqolaalka arday ee dhiganaya iskuulka iyo wafti balaadhan oo ka socdey Turkiga oo maalgeliyey dhismahan.

Dugsigan waxaa loogu talagalay inay wax ka bartaan 760 arday iyadoo 360 kamid ah dhiganayaan qaybta xarayska ah ayna heli doonaan Jiif, cunto iyo waxbarasho dhamaan adeegyada ay helayaan ardaydaas oo agoomo ah ayaa lacag la’aan ah.

Iskuulkan waxaa dhigaya 22 macalin oo ay mushaharka siinayso Hay’ada dhistay Iskuulka ee Denis Feneri.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com