Turkiga iyo Somaaliya oo Heshiis Ganacsi kala saxiiday

HomeWararka

Turkiga iyo Somaaliya oo Heshiis Ganacsi kala saxiiday

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis wax is dhaafsi oo dhinacyo badan leh, markii uu halkaasi ka furmay sh

Waa sidee xaalada deegaanka Shidan ee gobolka Sanaag? (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Gaas oo Gaalkacyo Dhagaxdhigay Gagi Cusub oo Diyaaradeed

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis wax is dhaafsi oo dhinacyo badan leh, markii uu halkaasi ka furmay shirka is kaashiga Ganacsiga ee labada Dal.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guleed (Khadar) iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa dowladda Turkiga u bandhigay fursadaha Ganacsi iyo kuwa wax is dhaafsi ee jira dalka.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa dhiggiisa Turkiga la wadaagay sidii loo dardar gelin lahaa heshiiskan iyo sidii looga miro dhalin lahaa waxyaabaha ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Heshiiskan oo ah midkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ay labada dowladood kala saxiixdaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin Labada dowladood ka kala tirsan, waxayna dhinacyadu isla garteen in sida ugu dhow loo hirgeliyo qodobada lagu heshiiyay.

Heshiiskan iskaashi ayaa dhigaya in Soomaaliya suuq ku yeelato Turkiga, si ganacsiga Soomaaliya loo gaarsiiyo Yurub iyo Asia, Turkiga ayaa iyaguna qaadan dona Khayraadka dalkeenna, sida Kalluunka, dalagga Beeraha iyo xoolaha.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: