Turkiga: “Waxaan haynaa caddaymo kale oo muujinaya saraakiisha qaybta ka ahaa dilka Khashoggi”

Turkiga: “Waxaan haynaa caddaymo kale oo muujinaya saraakiisha qaybta ka ahaa dilka Khashoggi”

Ku soodhawadda warbixinadda la xiriirka wariyihii la la’a ee lagu tuhmay in lagu dilay qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay Istanbul, iyadoo warar kaladuwan dilka Khashoogi ay ka soo baxayaan.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Sucuudiga, sido kalena ahaa diblomaasi hore oo lagu magacaabo Maher Abdulaziz Mutreb ayaa la sheegay inuu door muhiim ah ka ciyaaray dilkii wariye Jamaal Khashoggi, sida lagu sheegay warbaxin la xiriirta baaritaanka Turkiga oo saraakil turkiga ka tirsan ay la wadaageen CNN.

Wargeyska CNN ayaa sheegay in Mutreb uu si buuxda uga warqabo “qorshaha” iyo howlgalka lagu khaarajiyeey khashoogi.

Maher Abdulaziz Mutreb oo ahaa xoghayihii ugu horreeyay ee Safaaradda Sacuudiga ee London, waxaana lagu tilmaamay inuu yahay saaxiibka dhow ee Amiir Maxamed bin Salmaan, waaxaana uu fuliyaa amaradiisa, waana shakhsiga Amiirka u fuliya dilalka khaaska ah, sidaas waxaa warbaahinta CNN u sheegay saraakiil aan magacooda la shaacin.

Mutreb ayaa ka muuqday sawirro uu weheliyay boqor Salman inta lagu guda jiray booqashada Aqalka Cad horraantii sannadkan.

Sawirada kamaradaha amniga ayaa muujinaya dhaqdhaqaaqa Mutreb oo ah mid kamid ah 15 Sucuudi oo la aaminsan yahay inay dileen wariye Jamaal, kaddibna jarjareen oo bulaacadaha raaciyeen, taas oo horey booliskaTurkiga baritaankoodii hordhaca ahaa ay ku shegeen.

Baarayaasha Turkiga waxay sii wadaan inay warbaahinta la wadaagan warar ku saabsan wixii ku dhacay Jamal Khashoggi  iyada oo ay ka muuqato calaamado sii kordhaya oo sheegaya in qaar kamid ah ragga dilay Jamaal la rumaysan yahay in  ay xiriir dhow la leeyihiin hoggaanka ugu sareeya Sucuudiga.

Afar sawir oo la helay ,soona bandhigeen baarayaasha Turkiga ayaa muujinaya Mutreb uu 2-dii October uu yimid Istanbul, isla markaana uu kamid ahaa qabanqaabiyaasha qaabka loo dilayo wariye jamaal.

Khashoggi oo qore ka ahaa wargeyska Washington Post ayaa booqday qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul 2-Oktoobar si uu u helo waraaqo u ogolaan lahaa inuu guursado xaaska cusub iyo furiinka xaaskiisi hore, balse Khashoogi wali kama soo bixin qunsuliyadda, waxaana la rumeysanyahay in si arxan darro ah isla markiiba loo diley, loona jarjaray.

Saraakiil ka tirsan Turkiga ayaa sidoo kale CNN u soo bandhigay baasaboor todoba nin oo kale ah oo ay tuhunsan yihiin in ay ka mid ahaayeen 15-ka xubnood ee Sacuudiga. Baadhitaanada baasaboorka ayaa la qaaday maalintii Khashoggi la waayay.

Mid kamid ah baaritaanada baasaboorka laga qaaday ayaa u muuqda in uu yahay Salah Muhammad al-Tubaiqi (qoraaga Salah Mohammed A Tubaigy, oo ku qoran dukumiintiga),

Saraakiisha Turkiga ayaa u sheegay CNN in maydka Khashoggi la jarjaray, wararka qaar ayaa sheegaya in la jarjaray asaga oo nool.

Dhinaca kale Maraykanka oo ah saxiib dhow oo Boqortooyadda Sucuudiga ayaa isha lagu hayaa iyo hadba sida uu Madaxweyne Trump uga hadlo dilka wariye jamaal Khashoogi.

Sanateradda aqalka sare ee Maraykanka oo arrintan foosha xun ee lagu dilay khashoogi ka hadlay ayaa sheegay in sidan aan lagula saxiibi karin Sucuudiga, isla markaana kiiska dilka ah haduu ku cadaado Sucuudiga cunaqabatayn adag lagu soo rogi doono.

Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka ayaad moodda isagu inuu wali ka cagajiidayo go’aanka uu ka qaadanayo Sucuudiga iyadoo maanta Trump uu kala diray kulankii Laamaha amaanka oo arrinta dilka khashoogi looga hadli lahaa, warbixinna laga siin lahaa aqalka sare ee Mareynkanka.

Saraakiisha Turkiga ayaa maalinba maalinta kadambeysa soo gudbinayaa xogaha dhabta ah ee la xiriira qaabka loo dilay, halka lagu dilay, iyo sida loo dilay wariye jamaal khashoogi.

Inta badan wadamada Caalamka ayaa si xun u cambareyeey sucuudiga, marka laga reebo Maraykanka oo saxiib dhow la ah sucuudiga.

Wali Boqortooyada Sucuudiga iyo Amiir Maxamed bin Salmaan oo looga shakinsanyahay in uu lahaa amarka dilka ma aysan qiran dilka Khashoogi, balse xaaladda ayaad mooda mid cirka isku sii shareeraysa.

Hoos ka daawo warbixin xiiso leh oo aan ka diyaarinay wararkii ugu danbeeyey ee dilka Jamaal Khashoggi.

Daljir kala soco wararka Jamaal Khashoggi, geeri iyo nololba.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com