Tumey oo Codsaday in Caasimadda Somaaliya laga dhigo Gaalkacyo (dhegayso)

Xili maanta Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta gobalka Mudug ay soo gareen wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyeed Gen Bashiir Goobe iyo Danjire Keating ayaa kulan kadhacay Koonfurta Gaalkacyo waxaa ka hadlay Duqa degmadda Gaalkacyo ee Puntland.

Maxamuud Yaasin Tumey Duqa Gaalkacyo ayaa sheegay inay dawlada Soomaaliya ka codsanayan inay kala shaqayso sidii loosii xoojin lahaa Nabad Galyada Puntland iyo Galmudug wuxuuna sheegay in xiligan la joogo waqtigii laga gudbay Colaadii mudda soo taagnayd.

Dhinaca kale Maxamuud Yaasin Axmed Tumey ayaa wuxuu sheegay inay dawlada Soomaaliya uga fadhiyaan inay Caasumada Soomaaliya ka dhigto magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug maadama ay tahay Bartamaha dalka Soomaaliya.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com