Trump oo sheegay inuu u diyaar u yahay xil wareejin

Trump oo sheegay inuu u diyaar u yahay xil wareejin

Madaxweyne Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu xilka wareejiyo, isagoo muujiyay sida uu uga careysan yahay rabshadihii maalintii arbacadii ka dhacay Xarunta Kongareeska oo ay xoog ku galeen taageerayaashiisa.

Donld Trump ayaa muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo maalin ka hor laga mamnuucay ayaa u hadlay si ka duwan sidii maalmihii hore.

Waxaa uu sheegay in dibad baxayaashii ay meel uga dhaceen dimoqraadiyadda Mareykanka.

Trump ayaa caddeeyay inuu diyaar u yahay xil wareejin sharciga waafaqsan, waxaana uu xusay in Madaxweynaha cusub la caleema saari doono 20-ka bisha Janaayo, isagoo ku baaqay dib u heshiisiin.

Hadalka Trump ayaa ku soo aaday saacado kaddib markii Xildhibaannada labada aqal ee Mareykanka ay ku baaqeen in xilka laga xayuubiyo Trump.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com