Trump oo Sacuudiga Booqanaya iyo Salaanta Boqorka iyo Melania (masawirro)

Trump oo Sacuudiga Booqanaya iyo Salaanta Boqorka iyo Melania (masawirro)

Madaxweynaha Maraykanka ayaa safarkiisii ugu horeeyey ku tagay Sacuudi Carabiya. Madaxweyne Trump of qalalaase siyaasadeed oo qoto dheer uu ka haysto Maraykanka ayaa kalkii loollanka madaxtinimada aan Sacuudiga iyo madaxda Sacuudiga eed iyo aflagaado u kala reebin.

Xilligii ololaha madaxtinimda dalka Maraykanka, Trump wuxuu Sacuudiga ku eedeeyey in Sacuudigu ay ka danbeeyaan maalgelinta argagixisada adduunka, ha ahaato al-Qaacida ama Daacish. Wuxuu kale oo Trump madaxda Sacuudiga ku eedeyey in ay masaajidada iyo jaamacadaha dalkoodu ku soo tababaraan dad faafiya falsafadda xagjirka ah ee Wahaabiyadda. Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale horay madaxda Sacuudiga iyo carruurtooda ku eedeeyey in ficil kooda iyo fikir diimeed koodu uusan isku mid ahayn, oo dhinac ay diin xagjir ah ka faafiyaan, dhinaca kalena ay dalxiis, tumasho, iyo damaashaad aan laga daalin ka wadaan.

Joornaalada Ingiriiska ayaa cinwaanada bogga hore ku taxay “Boqor Salmaan, Boqorka Sacuudiga, Madaxa Guriga Reer Sacuud, ahna Xafidaha Labada Masjid ee Barakaysan, oo Melania Trump Gacanta ka Salaamay, Gabdhaha Sacuudigana aan Salaamin!” Joornaal kale oo kuwa loo yaqaan Tabloids ayaan asna cinwaankiisu ahaa “Boqor Salmaan Goorma ayuu Dadkiisa Runta u Sheegayaa?”

Trump ayaa subaxa Isniinta 22ka May Sacuudiga uga sii safri doona dalka Yuhuudda iyo magaalada Juurusalam, ballan casho ahna la leh Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.

Masawiro

  

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 6
  • Daad dulcad 7 years ago

    Run ahaantii poqor salmaan kama filayn in arintaa uu sameeyo lkn way dhacaday waana wax aad looga naxo rabi hanoo naxariisto

  • Wa wax aad iyo aad loga naaxo

  • xasan maxamuud ducale 0907640011 7 years ago

    boqor salman ilaah xaqa ha tuso wayo waxa wax laga xumaado ah inu marna yidhaahdo ajaanibta dumarka lama salaami karo marna uu isagu Ku kaco falkasi wa arin layable leh . bishi hore ayey ahayd markii thereca may ay kasoo dagtay Saudi Arabia iyado madax qaawan . arintas oo mamnuc ka ahayd dhulka boqortoyada Saudi Arabia . ilaa goorma ayuu sii socon doonta intu boqor salmaan u adeeegayo danaha midowga mareekanka iyo waliba her galbeedka .

  • Ma boqor kusheegii sucuusigaa waxa naagta gacanqaadayaa Allaylehe waa ladumay

  • maalin walba war bixintiinnaan ka faalloodaa biribeedhkii aad noogu baaqdeenna idinkama hayno eh baaqiinnu ma been buu ahaa ? ? ? daljir daljir daljir

  • Alaw umurada xaqa fahan sii

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com