Site icon Radio Daljir

Trump oo Sacuudiga Booqanaya iyo Salaanta Boqorka iyo Melania (masawirro)

Madaxweynaha Maraykanka ayaa safarkiisii ugu horeeyey ku tagay Sacuudi Carabiya. Madaxweyne Trump of qalalaase siyaasadeed oo qoto dheer uu ka haysto Maraykanka ayaa kalkii loollanka madaxtinimada aan Sacuudiga iyo madaxda Sacuudiga eed iyo aflagaado u kala reebin.

Xilligii ololaha madaxtinimda dalka Maraykanka, Trump wuxuu Sacuudiga ku eedeeyey in Sacuudigu ay ka danbeeyaan maalgelinta argagixisada adduunka, ha ahaato al-Qaacida ama Daacish. Wuxuu kale oo Trump madaxda Sacuudiga ku eedeyey in ay masaajidada iyo jaamacadaha dalkoodu ku soo tababaraan dad faafiya falsafadda xagjirka ah ee Wahaabiyadda. Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale horay madaxda Sacuudiga iyo carruurtooda ku eedeeyey in ficil kooda iyo fikir diimeed koodu uusan isku mid ahayn, oo dhinac ay diin xagjir ah ka faafiyaan, dhinaca kalena ay dalxiis, tumasho, iyo damaashaad aan laga daalin ka wadaan.

Joornaalada Ingiriiska ayaa cinwaanada bogga hore ku taxay “Boqor Salmaan, Boqorka Sacuudiga, Madaxa Guriga Reer Sacuud, ahna Xafidaha Labada Masjid ee Barakaysan, oo Melania Trump Gacanta ka Salaamay, Gabdhaha Sacuudigana aan Salaamin!” Joornaal kale oo kuwa loo yaqaan Tabloids ayaan asna cinwaankiisu ahaa “Boqor Salmaan Goorma ayuu Dadkiisa Runta u Sheegayaa?”

Trump ayaa subaxa Isniinta 22ka May Sacuudiga uga sii safri doona dalka Yuhuudda iyo magaalada Juurusalam, ballan casho ahna la leh Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.

Masawiro

  

 

 

Exit mobile version