Trump iyo Maxamed Bin Salmaan oo ku kulmay Aqalka Cad

Trump iyo Maxamed Bin Salmaan oo ku kulmay Aqalka Cad

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kusoo dhoweeyey Aqalka Cad dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo booqashadiisu u horaysay ku tagay xarunta Aqalka Cad.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa bogaadiyay 32-sano jirka ah dhaxal sugaha ee boqortooyada Sacuudiga iyo isbadaladii siyaasadeed ee Sacuudiga uu ka hirgaliyay.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay heshiis maalgashi oo Sacuudiga uu ka sameeynayo Mareykanka oo dhan laba boqol oo bilyan oo doolar, taasi oo uu qalab militari kaga iibsanayo Mareykanka.

Waxaa uu sheegay heshiiskan inuu abuurayao afartun kun oo Mareykan ah fursado shaqo.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa sheegay Sacuudiga inuu yahay dal hodan ah oo ay tahay dowladda Mareykanka inay ka faa’iidaysato, lagana iibiyo qalabka dagaalka, gaadiidka dagaalka, maraakiib, gantaalo iyo diyaarado ayaa ka mid ah hubka Mareykanka uu ka iibin doono Sacuudiga.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com